AADAN IYO XAAWO
Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga (FGM), kufsiga iyo gudniinka ma ahan wax xiriir la leh jinsi ama diin.
Dhaqanadaan ayaa ku baahsan adduunka oo dhan: waa dhaqano xiriir la leh caadoyin dhaqan iyo bulsho oo qarni badan socdo iyo awood kala duwan aadanaha gudahood.

Waxaan tixraacaayaa iloyinka Ururka Caafimaadka Adduunka macluumaadka khuseeya FGM [1] [2] iyo gudniinka labaduuba. [3] [4]

Ragga iyo dumarka labadouuba waxay sameeyaan xad-gudub galmo, hase-yeeshee badanaa dembiyada waxaa sameeyo ragga.
Tirokoobyada ku qoran warbixintaan waxay khuseeyaan kaliya ragga kufsi sameeyo, kasoo lagu qeexay inuu yahay nooc xad-gudub galmo oo qayb ka mid ah jirka ama walaax si xoog ah la geliyo siil ama futo, ama xubinta taranka si xoog ah la geliyo qof kale afkiisa, oggolaansho la’aan.
Waxaan isku eegey inaan qiyaaso tirada ragga sameeyo dembiyadaan, ma aan tixgelinin kaliya kufsiga uu labka ku sameeyo dhedigga, waxaan xittaa tixgeliyey dhammaan xad-gudubyada lagu sameeyey dumarka, carruurta, dadka jinsiga beddeley iyo lab kale.

Tirokoobyadaan waxay ku salaysan yihiin daraasad muddo dheer socdey ee laga soo saarey warbixino la daabacey iyo laga heli karo internetka. [5] [6] [7] [8]

2 sano oo shaqo ka dib waxaan gaarey gaba-gabaynta inuu suurtogal eheen in si dhab ah loo qiyaaso tirada ragga adduunka oo dhan kufsi ka sameeyo sanad walba. stupro.
Saxsanaanta tirokoobka dal walba waa mid kala sooc la’aan ah sababtoo ah kufsiga aad looma soo wargeliyo inkastoo u sababo dhaleeceyn bulsho, sidoo kaleba tirokoobka dembiyada uu soo warbixiyo booliska ma ahan mid la aamini karo. Waxaa jiro caddaymo badan in booliska soo warbaxsho dembi ka yar si ay u qanciyaan bartilmaameedka dembiyada laga rabo. Kani waa wax xaqiiqo ka ah dalalka soo koraya, halkaaso weli musuqmaasuq ka jiro iyo laga dhowriin xuquuqda aadanaha, laakiin sidoo kaleba wuxuu ka dhacaa dalal sida dalka Ingiriiska oo laga rabey in laga ixtiraamo aadane walba, kaasoo muhiim ka yahay bartamaha hab-dhismeeedka bulsheed ee dalka. [9]

Dalal badan macluumaad lama soo aruuriyo, meelaha laga aruuriyana waa mid jajaban oo laga soo saarey saambal laga qaadey dadweynaha dalkaas.
Goobo ka mid ah adduunka, kufsiga kama ahan dembi sharciyeed.
Dalal sida: Shiinaha, Afganistan, Bakistan, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Hindiya kufsiga xaaska waa mid sharcigu oggol yahay.
Qaar ka mid ah dalalka, kufsiga waxaa loo isticmaala ciqaab ahaan. Tusaale ahaan Hindiya iyo Bakistan, guddiga qabiilka ayaa gabdhaha iyo dumarka ciqaab ahaan ku xukumi karo in la kufsado.
Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga kufsiga lama soo warbaxsho sababtoo ah dhibbanayaasha ayaa dembiile ka noqonaayo ‘galmo sharci darro ah’, kaasina wuxuu sababi karaa in la xiro ama ciqaab jireed lagu xukumo inkastoo ay sameeyen galmo ka baxsan guurka.
Dalal badan kufsiga si dhif ah ayaa loo soo warbaxshaa, inkastoo ceeb bulshadeed u keeni doono dadka la kufsadey iyo cabsida laga qabo xad-gudubka qoyskooda (dilka sharaf-dhowrka).
Aagaha dagaal ka jiro (wakhtiyada dagaalka) kufsiga waxaa loo isticmaalaa si istarateejiyo militari, hub ahaan, si lagu ciqaabo gabdhaha, wiilasha, dumarka iyo ragga iyo suurtogal ma ahan in la qiyaaso tirada lagu kufsado.[10]
Adduunka oo dhan waa dhib in la ogaado tirada kufsiga carruurta, sababtoo ah guud ahaan xad-gudubyadaan lama soo warbaxsho ilaa uu dhibbanaha ka noqdo dhallinyaro ama weynaado iyo helo geesinimada uu ku soo warbaxsho sanado badan ka dib.
Adduunka oo dhan waa dhib in la ogaado tirada kufsiga lagu sameeyey dadka qaba naafonimada caqliga.
Adduunka oo dhan suurtogal ma ahan in la ogaado tirada kufsiga lagu sameeyey dadka wayn ee nugulka ah.
Adduunka oo dhan suurtogal ma ahan in la ogaado tirada kufsiga ka dhaco militiriga.
Adduunka oo dhan suurtogal ma ahan in la ogaado tirada kufsiga ka dhaco xabsiga.
Adduunka oo dhan suurtogal ma ahan in la ogaado tirada aadanaha laga faa’iideysto ganacsiga galmada. [11]
Adduunka oo dhan kufsiga ragga wuxuu ka yahay ceeb, sidaa awgeed dalalka ma qaban tirokoob dhab ah.
Adduunka oo dhan suurtogal ma ahan in la helo tirokoobka kufsiga dadka jinsigooda beddeley sababtoo ah dalal badan waxay ku qasban yihiin inay lahaadaan nolol qarsoon, taasina wuxuu sababaa in xad-gudbyo badan ay si aamusan iska dulqaataan si ay uga hortagaan xad-gudub/ciqaab dheeraad ah.
Adduunka oo dhan macluumaadka tirokoobka ku saabsan guurka carruurta ma muujiyo dhibaatada wayn uu adduunka ka yahay sababtoo ah guurka carruurta lama diiwaangeliyo waxaana lagu qabtaa sida guur diimeed oo aan rasmi eheen. Guurka carruurta waa mid aad u badan ee qayb ka ah dhaqanka dalalka soo koraya ee ku yaalo Afrika, Hindiya iyo Koonfuurta Maraykanka. Bulshooyinka raaco sharciga shareecada wuxuu ka yahay dhaqan iska caadi ah in la guursado gabdh ka yar 13 jir, sidaa awgeeda arrinta waa mid xittaa ku faafsan dalalka koraya.

Sababahaan awgeeda, suurtogal am ahan in la helo tiro sax ah ee caddadka ragga kufsi sameeyo iyo waxaan ku qasbannahay inaan iska qiyaasno si aan halkaan ugu muujiyo. Waxaan rajeynayaa in mustaqbalka dhibaatadaan foosha xun dunida ka yeraado, ilaa goortaas cilmi-baaris ka wayn ayaa muujin doono tirada saxda ee dhibaatadaan.

sababta ugu muhiimsan ee hawshaan wuxuu ahaa inaan si toos ah ku baxsho warar iyo tirokoobyo xaqiiqo ah, si aan dadka u siiyo wacyigelin iyo raaxo la'aan, iyo daawadayaasha siiyo sabab ay ku dareemaan ka qayb-qaadasho dhab ah dhibaatooyin aan u maleyno inay ka fog yihiin xaqiiqada dhabta ah.



[1] Baabi’inta gudniinka naafeeyo xubinta taranka dhedigga. Bayaan hay’ad ka dhexeyso. Ururka Caafimaadka Adduunka 2008. http://www.who.int/reproductivehealth/publications/fgm/9789241596442/en/

[2] Garashada iyo wax ka qabashada xad-gudubka dumarka. gudniinka naafeeyo xubinta taranka dhedigga. Ururka Caafimaadka Adduunka 2012. http://www.who.int/reproductivehealth/topics/violence/vaw_series/en/
[3] Gudniinka wiilasha iyo ilmaha yar: dib u eegid guud. Ururka Caafimaadka Adduunka 2010. http://www.who.int/hiv/pub/malecircumcision/neonatal_mc/en/

[4] Gudniinka Labka: Isbeddelada caalamka iyo eegida sida ugu badan yahay, ammaanka iyo aqbalida. Ururka Caafimaadka Adduunka 2007. http://www.who.int/reproductivehealth/publications/rtis/9789241596169/en/

[5] Kufsiga: Dib u eegid. Hindisiga Cilmi-baarista Xad-gudubka Galmada 2012. http://www.svri.org/sites/default/files/attachments/2016-04-13/RapePerpetration.pdf

[6] Xad-gudubka galmada ku toosan dumarka: Baaxadda dhibaatada. 2013. http://www.sciencedirect.com/science/article/pii/S1521693412001228

[7] Garashada iyo wax ka qabashada xad-gudubka dumarka. Xad-gudubka Galmada. Ururka Caafimaadka Adduunka 2012. http://www.who.int/reproductivehealth/topics/violence/vaw_series/en/

[8] Warbixinta Adduunka ee xad-gudubka iyo caafimaadka - Xad-gudubka Galmada - cutubka 6. Ururka Caafimaadka Adduunka 2002. http://www.who.int/violence_injury_prevention/violence/world_report/chapters/en/

[9] Warbixinta PASC, lagu qabtey dembi: Sababta aan ku tashan karin Warbixinta uu Soo Saarey Booliska 09/04/2014. http://www.publications.parliament.uk/pa/cm201314/cmselect/cmpubadm/760/76002.htm

[10] Xad-gudubka Galmada Waqtiga Dagaalka: Fikradaha Qaldan, Saamaynta, iyo Habab Horey Lagu socdo. Usip 2013. http://www.usip.org/publications/wartime-sexual-violence-misconceptions-implications-and-ways-forward

[11] Garashada iyo wax ka qabashada xad-gudubka dumarka. Ku Ganacsiga Insaanka 2012. http://www.who.int/reproductivehealth/topics/violence/vaw_series/en/